Sunday, April 19, 2026
Banooni Sports
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
Banooni Sports
No Result
View All Result

Marc Guéhi & Liverpool: Heshiis Weyn oo Dhici Kara.

by mohamedbaalos
July 8, 2025
Marc Guéhi & Liverpool: Heshiis Weyn oo Dhici Kara.

Liverpool u doonayso inay la saxiixato Guéhi xagaagan iyo Khilaafka u dhexeeya Palace iyo Liverpool ee qiimaha ciyaaryahanka.

Marc Guéhi, kabtanka Crystal Palace iyo xiddiga xulka England, ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee suuqa xagaagan. 24 jirkaan, oo hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa, waxa doonaya kooxo badan sida Liverpool, Newcastle, Tottenham, iyo xitaa Arsenal iyo Chelsea (TalkSport).

Liverpool ayaa wajahaysa isbedel difaaceed. Ka dib bixitaanka Jarell Quansah oo ku biiray Bayer Leverkusen, iyo dhaawacyada joogtada ah ee Joe Gomez iyo Konaté, kooxda waxay u baahan tahay daafac cusub oo tayo leh.
Tababare Arne Slot wuxuu xiiseynayaa ciyaartoy leh xirfad kubadeed iyo awood hoggaamiyeed – Guéhi wuxuu buuxin karaa booska daafaca si degdeg ah.

Qiimaha & Khilaafka Lacageed ee labada kooxood

Crystal Palace waxay dooneysaa inay Guéhi ku iibiso lacag u dhow €55 milyan (£45m), halka Liverpool ay dooneyso inay bixiso qiyaastii £40m oo ay ku jiraan gunnooyin.

Palace waxa ka baqdin qabta in Guéhi uu si xor ah uga tago xagaaga dambe haddii aysan hadda iibin. Tani waxay cadaadis saartay kooxda si ay u dhameystiraan heshiis.

Isweydaarsiga Suurtagalka ah ee Ben Doak

Si loo yareeyo kharashka, waxaa la sheegay in Liverpool ay diyaar u tahay inay qeyb ka dhigto heshiiska wiilka da’da yar ee Ben Doak. Palace sidoo kale waxay xiiseyneysaa laacibkaas.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska la filayo wuxuu u baahan yahay lacag dheeraad ah. Tani waxa sabab u in Chelsea ay heysato 20% iibka Guéhi.

Dhanka ciyaarta, Guéhi wuxuu si fiican ugu habboon yahay falsafadda Liverpool. Waa daafac dhisa kubaddaha oo leh faham ballaaran oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa garoonka. Sidoo kale, wuxuu si wanaagsan ula jaanqaadi karaa Virgil van Dijk ama daafac kale oo heer sare ah. Wuxuu noqon karaa xalka muddada fog ee difaaca kooxda.

Heshiiska Guéhi iyo Liverpool wuxuu hadda u muuqdaa mid aad u suurtagal ah. Liverpool diyaar ayay u tahay saxiixa. Ciyaaryahanka laftiisuna wuu raalli ka yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Liverpool.

Palace-na waxay u baahantahay inay lacag hesho, si ay u maalgeliso beddel cusub. Ugu dambeyn, waxaa kaliya la sugayaa in labada koox ay is afgartaan qiimaha kama dambaysta ah. Haddii heshiisku dhaco, Liverpool waxay heli doontaa daafac tayo sare leh oo ka caawin kara dagaalka hanashada horyaalka mar kale.

▶Guji Halkan Si Aad U Akhrisato Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Liverpool

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

1 month ago

Manchester City ayaa qaatay laba go’aan oo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah Bernardo Silva iyo Phil...

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

2 months ago

Ronaldo Oo Saami Ku Yeeshay Koox ka dhisay heerka labaad ee horyaalka Spain. Xiddiga caanka ah ee kubadda cagta, Cristiano...

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London Sido Kalena Sare U Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League

Arsenal oo diray fariin cad tartamayaasha kale ee horyaalka

2 months ago

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London, Korna Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League Arsenal ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar awood leh...

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

2 months ago

Manchester United ayaa hore safka hore ugu jirto xiddiga da'da yar Gabriel Veneno Manchester United aya si weyn ugu dadaalaysa...

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

2 months ago

Vinicius Junior oo Ku Eedeeyay Benfica Ciyaaryahankeeda Cunsuriyad, UEFA Oo Baaritaan U Furaysa Kiiskaan Kiiska cunsuriyadeed ee la xiriira Vinicius Junior ayaa weli...

Man Utd Oo Diyaarinaya 20M Si Ay U Hesho Beddelka Diogo Dalot

2 months ago

Man United oo Ka Fiirsanaysa Saxiixa Ryerson si ay ugu badasho daafaca daalan ee Diogo Dalot Manchester United ayaa qorsheyneysa...

Next Post
Hordhac kulanka Liverpool iyo Everton ee Meryside Derby

Hordhac kulanka Liverpool iyo Everton ee Meryside Derby

Kulan Xiiso Leh oo dhexmaraya Manchester United iyo Chelsea

Kulan Xiiso Leh oo dhexmaraya Manchester United iyo Chelsea

Arsenal vs Manchester City: Horudhaca Iyo Saadaasha Kulanka

Arsenal vs Manchester City: Horudhaca Iyo Saadaasha Kulanka

Yaa Ku Guuleysan Kara Ballon d’Or 2025? Falaqeyn iyo Aragtiyo

Yaa Ku Guuleysan Kara Ballon d’Or 2025? Falaqeyn iyo Aragtiyo

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay.

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay.

Banooni Sports waa shabakad ciyaareed oo ku soo gudbiysa wararkii ugu dambeeyay ee kubadda cagta iyo wararka suuqa kala iibsiga. La soco wararka ciyaaraha cusub maalin kasta.

Follow Us On

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy & Policy

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved

No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved.