Sunday, May 10, 2026
Banooni Sports
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
Banooni Sports
No Result
View All Result

Chelsea iyo Tabaraheeda oo ka doorbidaya Garnacho garab kale.

by mohamedbaalos
January 27, 2025
Chelsea iyo Tabaraheeda oo ka doorbidaya Garnacho garab kale.

Chelsea waxay joojin karaan Garnacho si ay ugu wareegaan garab kale.

Wararka suuqa kala iibsiga aya so warinaya in Chelsea weli kama quusan saxiixa garabka Bayern Munich, Mathys Tel, waxaana lagu soo waramayaa inay kulamo cusub la yeelan doonaan kooxda Bundesliga maalmaha soo socda.

Blues ayaa si weyn u xiisaynaysa Tel, waxayna ka wada hadleen suurtogalnimada saxiixiisa iyagoo qorsheynayay inuu Christopher Nkunku ku biiro Bayern.

Kooxda Vincent Kompany ma aysan doonin inay ka tagaan Mathys Tel, taasoo sababtay in wadahadalka ay istaagaan. Hase yeeshee, Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay mar kale isku dayi doonto saxiixiisa.

Sida uu sheegay Fabrizio Romano, Chelsea ayaa qorsheyneysa inay la hadasho Bayern usbuuca soo socda, iyadoo doonaysa inay heshiis ku dhammeystirto kahor xiritaanka suuqa.

“Xaaladda Mathys Tel ayaa mar kale looga wada hadli doonaa Bayern,” ayuu Romano ku qoray X. “Chelsea waxay rabtaa inuu noqdo saxiix joogto ah, waxaana jira toddobo dalab oo amaah ah oo ku saabsan Tel.”

Tel ayaa si weyn loogu sawiray inuu yahay ciyaaryahan mustaqbal weyn leh, inkastoo uusan weli helin boos joogto ah oo Bayern. Waxa ay u muuqataa in Kooxda kaso jeeda London ay mudnaanta siineyso saxiixa Tel halkii ay Garnacho ka heli lahaayeen.

Enzo Maresca waxa uu mudnaanta siin kartaa Tel iyagoo ka doorbidaya Garnacho.

Chelsea waxay qorsheynayaan inay keento garab cusub, waxaana Mathys Tel uu yahay kan ugu sareeya liiskooda. Haddii ay heshiis la gaaraan Bayern Munich, waxay saameyn ku yeelan kartaa xiisaha Garnacho.

Man Utd ma doonayaan inay iibiyaan Garnacho, laakiin haddii Chelsea ay dalab £70m ah keento, waxay tixgelin doonaan. Iibkiisu wuxuu noqonayaa faa’iido buuxda, taasoo ka caawin karta xeerarka Faa’iidada iyo Waaraanshaha Premier League. Haddii Chelsea Tel keento, waxay ka leexan karaan Garnacho.

The Blues waxay ka fiirsanayaan inay dalab rasmi ah u gudbiyaan Garnacho, laakiin ma qaadan doonaan labadaba Tel iyo Garnacho. Haddii Chelsea ay heshiis la gaaraan Mathys Tel, waxay go’aansan doonaan haddii ay dalab dambe u diraan Garnacho.

Haddii Tel uu kuso biiro kooxda Enzo Maresca, waxay ka leexan donaan qorshahooda Garnacho. Saxiixa Tel ayaa go’aamin doona haddii Chelsea ay isku dayi doonaan inay dalab u gudbiyaan Garnacho.

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

2 months ago

Manchester City ayaa qaatay laba go’aan oo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah Bernardo Silva iyo Phil...

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

2 months ago

Ronaldo Oo Saami Ku Yeeshay Koox ka dhisay heerka labaad ee horyaalka Spain. Xiddiga caanka ah ee kubadda cagta, Cristiano...

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London Sido Kalena Sare U Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League

Arsenal oo diray fariin cad tartamayaasha kale ee horyaalka

3 months ago

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London, Korna Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League Arsenal ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar awood leh...

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

3 months ago

Manchester United ayaa hore safka hore ugu jirto xiddiga da'da yar Gabriel Veneno Manchester United aya si weyn ugu dadaalaysa...

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

3 months ago

Vinicius Junior oo Ku Eedeeyay Benfica Ciyaaryahankeeda Cunsuriyad, UEFA Oo Baaritaan U Furaysa Kiiskaan Kiiska cunsuriyadeed ee la xiriira Vinicius Junior ayaa weli...

Man Utd Oo Diyaarinaya 20M Si Ay U Hesho Beddelka Diogo Dalot

3 months ago

Man United oo Ka Fiirsanaysa Saxiixa Ryerson si ay ugu badasho daafaca daalan ee Diogo Dalot Manchester United ayaa qorsheyneysa...

Next Post
Amorim: Rashford Waqtigiisa Manchester United Wuu Dhamaaday

Amorim: Rashford Waqtigiisa Manchester United Wuu Dhamaaday

Dhaawaca Bukayo Saka oo war wanaagsan u ah Arsenal.

Dhaawaca Bukayo Saka oo war wanaagsan u ah Arsenal.

Neymar: Mbappé waxa uu dareemay maseer kadib imaatinkii Messi

Neymar: Mbappé waxa uu dareemay maseer kadib imaatinkii Messi

Patrick Dorgu Waa Saxiixii Ugu Horreeyay ee Manchester United

Patrick Dorgu Waa Saxiixii Ugu Horreeyay ee Manchester United

Ollie Watkins oo ku biiraya Arsenal: Waa heshiis riyo u ah Gunners.

Ollie Watkins oo ku biiraya Arsenal: Waa heshiis riyo u ah Gunners.

Banooni Sports waa shabakad ciyaareed oo ku soo gudbiysa wararkii ugu dambeeyay ee kubadda cagta iyo wararka suuqa kala iibsiga. La soco wararka ciyaaraha cusub maalin kasta.

Follow Us On

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy & Policy

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved

No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved.