Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u go’aansatay inaysan la saxiixan ciyaaryahanka Athletic Club ee Nico Williams.
Nico Williams waa ciyaaryahan dhallinyaro ah oo si weyn u soo shaac baxay xilli ciyaareedka 2023/24 kasoo Barcelona xiisaynaysay. Williams wuxuu dhaliyay 27 gool iyo caawin iskugu jira sido kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay Euro 2024, isagoo dhaliyay goolka furitaanka ee Spain ee finalka ay ka qaaday Ingiriiska.
Xawligiisa, xirfaddiisa gambiska iyo hal-abuurkiisa garabka bidix waxay ka dhigeen xulasho wanaagsan oo ku habboon kooxda Barcelona. Waxa uu bandhig cajiib ah ka sameeyay Athletic Club iyo xulka qaranka Spain, taasoo sare u qaaday sumcaddiisa markii uu ku guuleystay Euro-gii.
Xagaagii hore, Barcelona waxay si dhab ah u baartay suurtagalnimada saxiixiisa, laakiin doorasho kale ayay go’aansatay. Sababo dhaqaale iyo mudnaanta saxiixyo kale ayaa keentay in kooxdu ay doorato Dani Olmo halkii ay ka qaadan lahayd Williams. Agaasimaha ciyaaraha Deco ayaa xusay in Olmo uu leeyahay karti badan oo kala duwan taasoo muhiim u ahayd kooxda.
Sababta Barcelona Uga Hadhay Saxiixa Nico Williams
Inkasta oo uu yahay ciyaaryahan tayo leh, bandhiggiisa aan joogtada ahayn xilli ciyaareedkan ayaa walaac gelisay maamulka Barcelona. Kooxdu waxay rabtaa inay la saxiixato beddelkiisa waxa ayna diiradda saaraysa xiddigaha Luis Díaz iyo Rafael Leão.
Luis Díaz iyo Rafael Leão waa ciyaartoy khibrad leh oo kooxda reer Spasi degdeg ah uga caawin kara guulaha. Arrimaha dhaqaale ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay go’aanka kooxda, maadaama Williams lagu jabin karo €50 milyan. Kooxdu waxay rabtaa inay maalgeliso boosaska kale sida khadka dhexe iyo difaaca si loo xoojiyo kooxda.
Maxaa Xiga Ee Ay Samayn Doonaan Barcelona?
Barcelona waxay si taxaddar leh u qiimeyn doontaa saxiixyada kale ee suuragalka ah si ay kooxda uga dhigto mid tartanta. Kadib markii ay ka hareen saxiixa Williams, Barcelona waxay doonaysaa inay hesho xiddigo karti sare leh.
Blaugrana ayaa sidoo kale eegaysa weeraryahano kale oo lambarka sagaalaad ah si ay horey uga xoojiso safkeeda weerarka. Robert Lewandowski wuxuu gaari doonaa da’da 37 bishii Agoosto, ayaa keentay baahi weyn oo loogu qabo beddelkiisa.
Jonathan David, oo noqon doona xiddig xor ah dhawaan, ayaa kamid ah xulashooyinka ay Barcelona tixgelinayso. Sidoo kale, Viktor Gyökeres iyo Alexander Isak, oo kooxahooda ay ku qiimeeyeen €100 milyan midkiiba, ayaa bartilmaameedyo kale ah.