BanooniSports
Thursday, January 15, 2026
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Kooxaha
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Horyaalada
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Kobabka
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Kooxaha
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Horyaalada
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Kobabka
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
BanooniSports
No Result
View All Result

Saddex Kooxod Oo Raadinaya Saxiixa Victor Osimhen

by mohamedbaalos
February 20, 2025
0
Saddex Kooxod Oo Raadinaya Saxiixa Victor Osimhen

Victor Osimhen Wuxuu Heli Karaa Heshiis €30M Ah Iyadoo Saddex Koox Ay Diyaar U Yihiin Suuqa Kala Iibsiga Ee Xagaaga.

Victor Osimhen wuxuu ahaa ciyaaryahan si weyn loo doonayay xagaagii hore, balse Napoli waxay ku qiimeysay lacag sare taasoo kooxaha Yurub ku adkaatay. Kooxaha doonayay saxiixiisa ma awoodin inay bixiyaan lacagtaas badan.

Sidaas darteed wuxuu amaah ugu biiray kooxda Galatasaray ee Turkiga. Osimhen wuxuu si fiican ugu ciyaaray horyaalka Turkiga, isagoo dhaliyay goolal badan oo sare u qaaday sumcadiisa kubbadda cagta.

Taas waxay sababtay in kooxo badan ay markale xiiseynayaan saxiixiisa, waxaana ka mid ah Manchester United, Chelsea iyo Paris Saint-Germain. Kooxaha Yurub waxay la tartamayaan Al-Ahli oo ka ciyaarta horyaalka Sucuudiga, kuwaasoo diyaarsaday qorshe weyn oo ay kusoo jiidanayaan.

Al-Ahli waxay diyaar u yihiin inay Victor Osimhen siiyaan mushahar sare, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah kuwa ugu mushaarka badan.

Victor Osimhen: Qandaraaskiisa ayaa ah mid muhiim ah.

Victor Osimhen wuxuu dalbanayay mushahar sanadle ah oo gaaraya €10m, balse Chelsea waxay awooday oo kaliya inay siiso €8m. Sababtaas darteed, heshiiskii uu Stamford Bridge ugu biiri lahaa xagaagii hore wuu burburay.

PSG waxay heshiis shaqsi ah la gaartay laacibka, laakiin ma rabin inay bixiso €120m oo ay Napoli ku qiimeysay ciyaaryahanka. Napoli waxay ku adkeysatay qiimaha €120m, taasoo keentay in PSG ka baaqsato bixinta lacagtaas.

Manchester United iyo Chelsea waxay u muuqdaan kuwo laga yaabo inay seegaan Champions League, taasoo PSG fursad fiican u siineysa saxiixiisa mar kale. Xilli ciyaareedkaan Osimhen wuxuu sii wataa bandhigiisa wanaagsan.

Al-Ahli waxay diyaar u yihiin inay jebiyaan bangiga si ay u helaan Osimhen, iyagoo u soo bandhigaya mushaar dhan €30m sannadkii. Tani waxay Osimhen ka dhigi doontaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan dunida, taasoo adkeyn karta kooxaha kale.

Chelsea, PSG iyo Manchester United dhammaantood waxay xiiseynayaan Osimhen, balse mushaharka Al-Ahli wuxuu loolanka ka dhigi karaa mid adag. PSG waxay u baahan tahay weeraryahan tayo sare leh, waxaana ay isku dayi doonaan inay Osimhen ku qanciyaan mashruucooda.

Manchester United iyo Chelsea waxay la tacaalayaan dhibaatooyin dhaqaale, taasoo caqabad ku noqon karta dalabkooda xagaaga soo socda. Haddaba, mustaqbalka Victor Osimhen wuxuu noqon doonaa mid xiiso leh, maadaama kooxo badan ay diyaar u yihiin saxiixiisa.

Previous Post

Liverpool Ayaa Kaga Sara Martay Arsenal Saxiixa Alexandar Isak

Next Post

Barcelona Oo Go’aan Ka Gaartay Saxiixa Nico Williams

Wararkii Ugu danbeyay

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay.

4 months ago

Falanqayn dhammaystiran oo ku saabsan liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya Ballon d’Or 2025. Ballon d’Or waa abaalmarin kubadda cagta...

Yaa Ku Guuleysan Kara Ballon d’Or 2025? Falaqeyn iyo Aragtiyo

4 months ago

Murashaxiinta ugu cadcad jaa'izada Ballon d’Or 2025 iyo Saameynta ay ku yeesheen kooxahooda xilli-ciyaareedkan 2025. Ballon d’Or waa abaalmarinta ugu...

Arsenal vs Manchester City: Horudhaca Iyo Saadaasha Kulanka

4 months ago

Arsenal iyo Manchester City ayaa maanta galabta ku wada ciyaaraya kulan weyn oo Premier League ah oo ka dhacaya waqooyiga...

Kulan Xiiso Leh oo dhexmaraya Manchester United iyo Chelsea

4 months ago

Manchester United vs Chelsea: Hordhac, Xaaladda Kooxaha, Dhaawacyada, Ciyaartoyda La Filayo, Qiimeyn Guud ee Kulanka. Kulanka Premier League ee Old...

Hordhac kulanka Liverpool iyo Everton ee Meryside Derby

4 months ago

Merseyside Derby: Safafka La Filayo iyo Falanqaynta Kulanka u dhaxeeyo kooxaha kaso jeeda gobalka Liverpool. Hordhac Kulanka Liverpool iyo Everton...

Next Post
Barcelona Oo Go'aan Ka Gaartay Saxiixa Nico Williams

Barcelona Oo Go'aan Ka Gaartay Saxiixa Nico Williams

Barcelona oo Go'aan Ka Gaartay Da’yarka Lagu Qiimeeyay €30m.

Barcelona oo Go'aan Ka Gaartay Da’yarka Lagu Qiimeeyay €30m

Chelsea oo ka horeysa Arsenal saxiixa weeraryahanka Borussia.

Chelsea oo ka horeysa Arsenal saxiixa weeraryahanka Borussia.

Liam Delap oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea

Liam Delap oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea

Rasmi : Manchester United oo fasaxday 9 ciyaaryahan si xur ah.

Manchester United oo fasaxday 9 ciyaaryahan si xur ah.

Banoonisportslogo

Banooni Sports - waa shabakada Ciyaareed oo daabacda wararka ciyaaraha dalka iyo dibadda, hadafkeenu waa aan u noqono isha 1aad ee wararka kubbadda cagta ee Somalia.

Follow Us

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy Policy

© 2024 Banooni Sports - All rights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Kooxaha
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Horyaalada
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Kobabka
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2024 Banooni Sports - All rights reserved.