Saturday, March 21, 2026
Banoonisports
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
Banoonisports
No Result
View All Result

Chelsea vs West Ham: Falaqeyn, Saadaalin iyo Shaxda Kulanka.

by mohamedbaalos
February 3, 2025
0
Art & Illustration

Art & Illustration

Chelsea waxay kor u kici doontaa kaalinta afraad ee Premier League haddii ay garaacdo West Ham United fiidnimada Isniinta ee Stamford Bridge.

Chelsea waxay fursad u haysataa inay ka sare marto Newcastle iyo Manchester City oo guuldarro la kulmay usbuucan, haddii ay ka adkaato West Ham kulankooda Premier League.

Kooxda Enzo Maresca ee chelseq ayaa hal guul kaliya heshay toddobadii kulan ee ugu dambeysay, kaddib markii ay guuldarro kala kulmeen Man City kulankii ugu dambeeyay. Sidaas darteed, ma rabaan inay wax iska dhimaan kulankan.

Graham Potter, oo horey u soo maamulay Chelsea intii u dhaxeysay Sebtember 2022 iyo Abriil 2023, wuxuu doonayaa inuu guul ka gaaro kooxdii uu horey u laylin jiray, isagoo ka faa’iideysanaya barbarraha ay la galeen Aston Villa kulankii ugu dambeeyay.

West Ham, oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin dhowr ciyaaryahan, waxay fursad u haysataa inay ka saramarto Manchester United oo ay gaarto kaalinta 13-aad haddii ay Chelsea garaacdo.

Waqtiga Ciyaarta Chelsea iyo Westham.
  • Goobta: London, England.
  • Garoonka: Stamford Bridge.
  • Taariikhda: Isniin, 03da Febraayo.
  • Waqtiga Ciyaarta: 10:00 PM.
  • Garsooraha Dhexdhexaadinaya: Stuart Attwell.
  • VAR: Michael Salisbury
Wararka kooxda ee Chelsea
  • Benoit Badiashile & Wesley Fofana – Labada difaac dhexe oo dhaawac muddo dheer ah.
  • Romeo Lavia – Wuxuu seegayaa kulankan sababtoo ah dhaawac dhanka khadka dhexe difaaca.
  • Omari Kellyman – Weli kama soo muuqan Chelsea tartan kasta, isagoo wali la dhibtoonaya arrimo dhanka taam ahaanta ah.
  • Mykhailo Mudryk – Wuxuu wajahaya ganaax kadib markii uu ku dhacay tijaabo daroogo, sidaas darteed kuma jiri doono safka kulanka West Ham.
  • Robert Sanchez ayaa sameeyay qaladaad kulankii Man City, taasoo keeni karta in la badalo.
  • Filip Jorgensen ayaa fursad u heysta inuu noqdo goolhayaha koowaad kulankan.
Wararka Kooxda Westham
  • Niclas Fullkrug & Michail Antonio – Labada weeraryahan oo dhaawac ku maqan.
  • Lucas Paqueta – Wuxuu dhaawac muruqa ah ku qaatay kulankii Aston Villa, waxaana la qiimeyn doonaa ka hor kulankan.
  • Jarrod Bowen – Wuxuu kasoo kabanayaa dhaawac lugta ah, waxaana laga yaabaa inuu qeyb ka noqdo safka West Ham kulanka Chelsea.
  • Konstantinos Mavropanos – Wuxuu kusoo laabanayaa safka kaddib ganaax.

Ka Akriso : Chelsea iyo Tabaraheeda oo ka doorbidaya Garnacho garab kale.

Shaxaha Kooxaha

Chelsea Safkeeda(4-2-3-1): Jorgensen; James, Chalobah, Colwill, Cucurella; Caicedo, Fernandez; Madueke, Palmer, Sancho; Jackson.

Westham Safkeeda(3-4-2-1): Areola; Coufal, Kilman, Cresswell; Wan-Bissaka, Alvarez, Soler, Emerson; Kudus, Soucek; Ings.

Saadalinta Kulanka

Chelsea ayaa noqotay koox aan la saadaalin karin kulamadii ugu dambeeyay, gaar ahaan marka ay la ciyaarayaan kooxaha darajada hoose. Inkastoo ay hal guul ka heleen saddexdii kulan ee ugu dambeysay ee Stamford Bridge, guushii Wolves waxay u noqotay dhiirigelin.

West Ham wali waxay la tacaaleysaa dhaawacyo iyo la qabsiga habka Potter. Inkastoo aysan noqon karin ciyaar sahlan, Chelsea waa inay awoodo inay saddexda dhibcood gurigeeda ku xaqiijiso.

Saadalinta : Chelsea 2-1 Westham

Previous Post

KULAN ADAG:- Falaqeynta Kulanka Arsenal iyo Man City

Next Post

Wararka Maalinta Ee Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Arsenal

Real Madrid aya qorsheynaysa Saxiixa Khadka Dhexe Ee Rodri

Real Madrid aya qorsheynaysa Saxiixa Khadka Dhexe Ee Rodri

1 week ago

Real Madrid Oo Indho-indheenaysaa Ciyaayahanka Khadka Dhexe ee Kooxda Man City Ee Rodri Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inay...

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

2 weeks ago

Manchester City ayaa qaatay laba go’aan oo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah Bernardo Silva iyo Phil...

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

3 weeks ago

Ronaldo Oo Saami Ku Yeeshay Koox ka dhisay heerka labaad ee horyaalka Spain. Xiddiga caanka ah ee kubadda cagta, Cristiano...

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London Sido Kalena Sare U Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League

Arsenal oo diray fariin cad tartamayaasha kale ee horyaalka

4 weeks ago

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London, Korna Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League Arsenal ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar awood leh...

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

4 weeks ago

Manchester United ayaa hore safka hore ugu jirto xiddiga da'da yar Gabriel Veneno Manchester United aya si weyn ugu dadaalaysa...

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

4 weeks ago

Vinicius Junior oo Ku Eedeeyay Benfica Ciyaaryahankeeda Cunsuriyad, UEFA Oo Baaritaan U Furaysa Kiiskaan Kiiska cunsuriyadeed ee la xiriira Vinicius Junior ayaa weli...

Next Post

Wararka Maalinta Ee Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Arsenal

Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

Leicester City vs Arsenal: Horudhac Kulanka Premier League

Leicester City vs Arsenal: Horudhac Kulanka Premier League

Man City vs Newcastle United: Kulan U Muhiim Ah Labada Koxood

Banooni Sports waa shabakad ciyaareed oo kuu soo gudbiysa wararkii ugu dambeeyay ee kubadda cagta iyo suuqa kala iibsiga. La soco wararka ciyaaraha cusub maalin kasta.

Follow us

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy Policy

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved.