Thursday, May 7, 2026
Banooni Sports
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
Banooni Sports
No Result
View All Result

Liverpool vs Bournemouth: Wax walba oo ku saabsan kulanka

by mohamedbaalos
February 1, 2025
Liverpool vs Bournemouth: Wax walba oo ku saabsan kulanka

Art & Illustration

Liverpool Weli Waa Hoggaamiyeyaasha Horyaalka, Balse Bournemouth Waa Imtixaan Adag.

Liverpool ayaa lix dhibcood ka sarreysa Arsenal, balse toddobaadkan waxay la kulmi doonaan Bournemouth oo aan laga badin 12 kulan. Kooxda Iraola ayaa sagaal gool dhalisay labadoodii guul ee ugu dambeysay.

Tani waxay ka dhigeysaa kulanka Liverpool iyo Bournemouth mid xiiso badan, iyadoo Reds ay isku dayi doonto inay sii xajisato hoggaanka horyaalka.

Liverpool kadib guuldaradii PSV.

Liverpool ayaa wali qaab ciyaareed fiican ku jirta inkastoo ay guuldarro kala kulantay PSV, taasoo joojisay rikoodhkoodii guulaha Yurub. Si kastaba ha ahaatee, Reds waxay ku dhammeysteen hoggaanka heerka guruubyada inkastoo ay shaxdooda si weyn u beddeleen.

Iyadoo Arsenal Axadda wajahdo Manchester City, Liverpool waxay dooneysaa inay cadaadis saarato tartamayaasheeda. Guul ay ka gaaraan Bournemouth – oo si heer sare ah u ciyaareysay bilihii la soo dhaafay – waxay u noqon doontaa farriin cad oo ay u dirayaan Arsenal iyo City.

Waqtiga Ciyaarta Liverpool vs Bournemouth.
  • Goobta: Bournemouth, England.
  • Garoonka: Vitality Stadium.
  • Taariikhda: Sabti, 02da Febraayo.
  • Waqtiga Ciyaarta: 06:00 PM.
  • Garsooraha Dhexdhexaadinaya: Darren England.
  • VAR: John Brooks.
Wararka kooxda ee Bournemouth

Bournemouth ayaa weli wajahaysa dhaawacyo badan, iyadoo sagaal ciyaaryahan ka maqan yihiin kulanka Liverpool.

Difaacyada Julian Araujo, Adam Smith, James Hill, Marcos Senesi iyo Julio Soler ayaa dhammaantood seegaya, halka Lewis Cook uu mar kale ka ciyaari doono daafaca. Alex Scott ayaa sidoo kale ka maqan khadka dhexe.

Inkasta oo ay si fiican goolal u dhalinayeen, Bournemouth waxay dareemi doontaa maqnaanshaha weeraryahanadooda Evanilson, Enes Unal iyo Luis Sinisterra.

Bournemouth Safka La filayo.
Bournemouth safkeeda (4-2-3-1): Kepa; Cook, Zabarnyi, Huijsen, Kerkez; Christie, Adams; Brooks, Kluivert, Semenyo; Ouattara.

Wararka kooxda ee Liverpool.

Arne Slot ayaa nasiyay xiddigaha sida Van Dijk, Alisson iyo Salah kulankii PSV, balse dhamaantood way kusoo laaban doonaan Sabtida. Cody Gakpo ayaa noqon kara ciyaaryahanka kaliya ee kusii nagaan doona shaxda.

Liverpool waxay sugaysaa xaaladda Darwin Núñez, halka Jota iyo Curtis Jones ay maqnaan doonaan. Joe Gomez ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto keydka.

Liverpool Safka La filayo.
Liverpool safkeeda (4-2-3-1): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Gravenberch, Mac Allister; Salah, Szoboszlai, Gakpo; Diaz.

Sadaalinta Kulanka

Bournemouth 2 – 4 Liverpool

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

2 months ago

Manchester City ayaa qaatay laba go’aan oo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah Bernardo Silva iyo Phil...

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

2 months ago

Ronaldo Oo Saami Ku Yeeshay Koox ka dhisay heerka labaad ee horyaalka Spain. Xiddiga caanka ah ee kubadda cagta, Cristiano...

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London Sido Kalena Sare U Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League

Arsenal oo diray fariin cad tartamayaasha kale ee horyaalka

2 months ago

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London, Korna Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League Arsenal ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar awood leh...

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

3 months ago

Vinicius Junior oo Ku Eedeeyay Benfica Ciyaaryahankeeda Cunsuriyad, UEFA Oo Baaritaan U Furaysa Kiiskaan Kiiska cunsuriyadeed ee la xiriira Vinicius Junior ayaa weli...

Man Utd Oo Diyaarinaya 20M Si Ay U Hesho Beddelka Diogo Dalot

3 months ago

Man United oo Ka Fiirsanaysa Saxiixa Ryerson si ay ugu badasho daafaca daalan ee Diogo Dalot Manchester United ayaa qorsheyneysa...

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay.

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay.

8 months ago

Falanqayn dhammaystiran oo ku saabsan liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya Ballon d’Or 2025. Ballon d’Or waa abaalmarin kubadda cagta...

Next Post
Martín Zubimendi: Bartilmaameedka Cusub ee Real Madrid.

Martín Zubimendi: Bartilmaameedka Cusub ee Real Madrid.

Manchester United iyo Crystal Palace Falaqeynta Kulanka

Manchester United iyo Crystal Palace Falaqeynta Kulanka

KULAN ADAG:-  Falaqeynta Kulanka Arsenal iyo Man City

KULAN ADAG:- Falaqeynta Kulanka Arsenal iyo Man City

Chelsea vs West Ham: Falaqeyn, Saadaalin iyo Shaxda Kulanka.

Chelsea vs West Ham: Falaqeyn, Saadaalin iyo Shaxda Kulanka.

Wararka Maalinta Ee Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Arsenal

Wararka Maalinta Ee Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Arsenal

Banooni Sports waa shabakad ciyaareed oo ku soo gudbiysa wararkii ugu dambeeyay ee kubadda cagta iyo wararka suuqa kala iibsiga. La soco wararka ciyaaraha cusub maalin kasta.

Follow Us On

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy & Policy

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved

No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved.