Chelsea waxay joojin karaan Garnacho si ay ugu wareegaan garab kale.
Wararka suuqa kala iibsiga aya so warinaya in Chelsea weli kama quusan saxiixa garabka Bayern Munich, Mathys Tel, waxaana lagu soo waramayaa inay kulamo cusub la yeelan doonaan kooxda Bundesliga maalmaha soo socda.
Blues ayaa si weyn u xiisaynaysa Tel, waxayna ka wada hadleen suurtogalnimada saxiixiisa iyagoo qorsheynayay inuu Christopher Nkunku ku biiro Bayern.
Kooxda Vincent Kompany ma aysan doonin inay ka tagaan Mathys Tel, taasoo sababtay in wadahadalka ay istaagaan. Hase yeeshee, Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay mar kale isku dayi doonto saxiixiisa.
Sida uu sheegay Fabrizio Romano, Chelsea ayaa qorsheyneysa inay la hadasho Bayern usbuuca soo socda, iyadoo doonaysa inay heshiis ku dhammeystirto kahor xiritaanka suuqa.
“Xaaladda Mathys Tel ayaa mar kale looga wada hadli doonaa Bayern,” ayuu Romano ku qoray X. “Chelsea waxay rabtaa inuu noqdo saxiix joogto ah, waxaana jira toddobo dalab oo amaah ah oo ku saabsan Tel.”
Tel ayaa si weyn loogu sawiray inuu yahay ciyaaryahan mustaqbal weyn leh, inkastoo uusan weli helin boos joogto ah oo Bayern. Waxa ay u muuqataa in Kooxda kaso jeeda London ay mudnaanta siineyso saxiixa Tel halkii ay Garnacho ka heli lahaayeen.
Enzo Maresca waxa uu mudnaanta siin kartaa Tel iyagoo ka doorbidaya Garnacho.
Chelsea waxay qorsheynayaan inay keento garab cusub, waxaana Mathys Tel uu yahay kan ugu sareeya liiskooda. Haddii ay heshiis la gaaraan Bayern Munich, waxay saameyn ku yeelan kartaa xiisaha Garnacho.
Man Utd ma doonayaan inay iibiyaan Garnacho, laakiin haddii Chelsea ay dalab £70m ah keento, waxay tixgelin doonaan. Iibkiisu wuxuu noqonayaa faa’iido buuxda, taasoo ka caawin karta xeerarka Faa’iidada iyo Waaraanshaha Premier League. Haddii Chelsea Tel keento, waxay ka leexan karaan Garnacho.
The Blues waxay ka fiirsanayaan inay dalab rasmi ah u gudbiyaan Garnacho, laakiin ma qaadan doonaan labadaba Tel iyo Garnacho. Haddii Chelsea ay heshiis la gaaraan Mathys Tel, waxay go’aansan doonaan haddii ay dalab dambe u diraan Garnacho.
Haddii Tel uu kuso biiro kooxda Enzo Maresca, waxay ka leexan donaan qorshahooda Garnacho. Saxiixa Tel ayaa go’aamin doona haddii Chelsea ay isku dayi doonaan inay dalab u gudbiyaan Garnacho.