- Manchester United oo heshay xidigii ay waayo badan baadi goobi jirtay
- Fabrizio Romano ayaa sheegay in Manchester United ay doonayso xiddiga dambeedka bidix ee Benfica
Fabrizio Romano ayaa sheegay in United ay bishaan raadin doonto dambeed bidix oo daafac ah, iyadoo liiska ugu jiro xiddiga Benfica Alvaro Carreras.
Tababaraha ayaa si xun ku bilowday waayihiisa tababaranimo ee United, suuqa January waa wakhti muhiim ah tababaraha si oo ugu xoojiyo kooxdiisa ka hor qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Dhaawacyada Tyrell Malacia iyo Luke Shaw ayaa ku adkeeyey tababaraha shaxdiisa inu adeegsado saxda ah kasoo ah nidaamka garbaha duula, kaasoo guulo waaweyn ka gaaray waayihiisii uu la joogay Sporting Lisbon.
Mid ka mid ah ciyaartoyga ay United ay leedahay qiimaha lagu burburin karo si ay dib ugu so ceshato waa dambeedka bidix ee Carreras, kaasoo ku soo baxay akadeemigeeda isla markaana u wareegay Benfica xilli ciyaareedkan bilowgiisii.
Waxa uu sameeyay hal caawin waxana uu dhinaca bidix ka abuuray fursado kale oo tayo sare leh ciyaartii xamaasada laheyd ee dhaxmartay Benfica iyo Barcelona kulankii xiisaha lahaa kaas oo ku soo idlaaday 5–4 ee haben hore.
Wariyaha reer talyaani y ayaa ka dhawaajiyay war wanaagsan waxaa uuna sheegay inay talaabo fiican qaadi doonta inta lagu guda jiro usbuuca soo socda isagoo xaqiijinaya xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan raadinta saxiixa daafaca.
‘Red Devils waxa ay la soo saxiixan doontaa LWB cusub, shaki kuma jiro inay u weecan doonto laacibka ay Buy Clause uu kala dhaxeeyo, ka dib markii laga soo diiday dalabkii Patrick Dorgu kaasoo ku qiimasay €27m’.
21 jirka reer Spain ayaa saddex sano ku soo ciyaaray akadeemiyada Real Madrid ka hor inta uu ku biirin Academy-yada United.
Ciyaaryahanka waxa uu leeyahay xirfado farsamo oo aad u fiican kaas oo gacan ka geysan doona in uu sare u qaadida nidaamka uu haatan ku shaqeeyo Amorim.