- Arsenal ayaa si hordhac ah u dalbatay weeraryahanka RB Leipzig Benjamin Sesko.
Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabto Benjamin Sesko sanadkii hore, inkastoo la fahansan yahay u dhaqaaqista ciyaar-yahanka bartamaha xilli ciyaareedka ay tahay mid adag, iyadoo kooxdiisu aysan dooneyn inay iibiso xilligan bishan janaayo inkastoo RB Leipzig laga soo reebay Champions League.
Arrinta aya adkaatay, markii uu wakiilka Sesko uu caddeeyay in bisha Janaayo wax walba macquul, Sesko ayaa weli ah mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee Arsenal dhanka weerarka, marka loo eego dhaawaca jilibka kaso gaaray Gabriel Jesus horaantii bishaan.
Weeraryahanka Leipzig ayaa lagu war galiyey mashruuca Arsenal xagaagii hore laakiin waxa uu doortay in uu sii joogo kooxda Jarmalka isaga oo dareemayay in uu sii joogistiisa ugu fiican yahay horumarkiisa wakhtiga gaaban.
21-sano jirkaan, ayaa lagu qiimeeyay 70 milyan ginni, wuxuuna Leipzig kaga soo biiray RB Salzburg sanadkii 2023, isagoo labo sano amaah ugu soo qaatay kooxda FC Liefering – oo ah koox keyd u ah Salzburg.
Sesko, oo u dhashay dalka Slovenia, ayaa dhaliyay sideed gool, waxaana uu caawiyay labo gool xilli ciyaareedkan Bundesliga. Waxa uu wadar ahaan gaadhay 31 gool 67 kulan oo uu u saftay Leipzig waxana uu kula guulaystay saddex koob oo kala ah Austrian Cup iyo DFL Supercup.
Heer shaqsiyeed, waxaa loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka ee Slovenia 2022, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta dhalinyarada kubbadda cagta sanadka ee Slovenia seddex sano oo isku xigta laga bilaabo 2021-2023.
Arsenal ayaa isha ku haysa dhawr dookh oo weeraryahan ah oo ay ku heli karto suuqa January ama suuqa kale marka xilli ciyaareedka dhamaado si ay u hesho No.9 xoogan oo ka caawiya dhanka gool dhalinta.