BanooniSports
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Kooxaha
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Horyaalada
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Kobabka
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Kooxaha
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Horyaalada
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Kobabka
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
BanooniSports
No Result
View All Result

Wararka Maalinta Dambaysa Suuqa Kala Iibsiga Ee Arsenal

by mohamedbaalos
February 3, 2025
0 0

Arsenal Weli Waxay Raadineysaa Saxiix Cusub Kahor Inta Uusan Xirmin Suuqa Kala Iibsiga Ee Bisha Janaayo.

Inkasta oo aan Febraayo galnay, suuqa kala iibsiga Janaayo wali wuu furan yahay—laakiin maanta ayaa ah maalintii ugu dambeysay. Suuqa jiilaalka wuxuu xirmayaa caawa, waxaana Arsenal weli ku howlan tahay inay dhammaystirto saxiixyo dhowr ah.

Mikel Arteta ayaa doonaya inuu xoojiyo kooxdiisa si ay ula tartanto Liverpool oo hoggaanka haysa horyaalka Premier League.

Arsenal Weli Raadineysa Saxiixyo Cusub

Arsenal ayaa weli ku raad joogta Liverpool. Saxiixyo cusub ayaa gacan ka geysan kara yareynta farqiga 6-da dhibcood ee u dhexeeya labada koox.

Arteta ayaa si cad u muujiyay inuu doonayo weeraryahan cusub, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in saxiixa la sameynayo uu noqdo mid sax ah, halkii ay si deg-deg ah u keenayaan ciyaaryahan kaliya.

Sidoo kale, Arsenal ayaa ku fashilantay inay hesho ciyaaryahanka ku habboon afartii toddobaad ee la soo dhaafay. Maanta waa fursaddii ugu dambeysay ee ay wax ka beddeli karaan si ay u keenan gagada Emirates ciyaaryahan cusub.

Haddii ay ku guuleystaan inay heshiisyadooda dhamaystiraan maanta, waxay noqon doontaa guul weyn.

Ka Akhriso Warar Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Arsenal :- https://banoonisports.com/arsenal/

Saxiixa Weeraryahan Cusub

Arsenal waxay si weyn u baahan yihiin xoojinta weerarka. Su’aashu waxay tahay: yaa noqon doona ciyaaryahanka ku habboon? Inkastoo Arsenal ay isku dayday inay la soo saxiixato Ollie Watkins, Aston Villa ayaa diiday dalabkooda.

Dhanka kale, Marcus Rashford, oo si kooban loogu xiriirinayey Arsenal, wuxuu u muuqdaa inuu ku biiray kooxda Villa Park, ka dib markii Aston Villa ay iibisay Jhon Duran.

Viktor Gyokeres iyo Benjamin Sesko ayaa sidoo kale u muuqda inan la heli karin suuqa kala iibsiga xilligan. Markaa, Arsenal waa kuwee xidigaha ay suuqa ka raadinayaan?

Tottenham ayaa heshiis la gaadhay Bayern Munich si ay uga iibiyaan laacibka da’da yar ee Mathys Tel, laakiin wuxuu diiday dalabkaas. Mathys Tel waxaa sidoo kale la xiriirinayey Arsenal.

Arsenal waxaa la fahamsan yahay inay la xiriireen wakiilada Tel, waxaana tani noqon kartaa mid ka mid ah saxiixyada ugu weyn ee lagu filaayo maalinta ugu dambeysa ee suuqa.

Mustaqbalka Martin Zubimendi

Arsenal ayaa muddo dheer ku hawlanayd heshiis ay ku soo saxiixanayaan Martin Zubimendi oo ka tirsan Real Sociedad, balse wali heshiiska ma ahan mid dhammaystiran. Heshiisku wuxuu u muuqdaa inuu go’aan laga gaari doono, iyadoo Arsenal ay kaga hormartay Liverpool si ay u hesho ciyaaryahankan 25 jirka ah.

Si kastaba ha ahaatee, heshiisku wuxuu u muuqdaa inuu dhici doono xagaaga. Arsenal ayaa laga yaabaa inay dhamaystirto heshiiskan maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga.

Daafac Bidix Kieran Tierney

Kieran Tierney ayaa la sheegay inuu ku laaban doono kooxda Celtic ee Scotland, waxaana la filayaa in heshiiskaas uu dhacayo caawa. Celtic waxay ku rajo weynayd inay dhamaystiraan heshiiska laacibka. Si kastaba ha ahaatee, Tierney ayaa ka baxaya Arsenal xagaaga isagoo xor ah.

Arsenal ayaa laga yaabaa inay dardar galiso heshiiska labada koox si ay u iibiso ciyaaryahankan dhinaca bidix. Hase yeeshee, kooxda Celtic ayaa diidan inay lacag ka bixiyaan, iyagoo ku heli kara xor.

Oleksandr Zinchenko

Oleksandr Zinchenko ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka tagayo kooxda, maadaama uusan muuqan inuu haysato mustaqbal dheer oo Arsenal ah. Hase yeeshee, lama filaan ayay noqon doontaa haddii uu ka tago maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga.

Previous Post

Chelsea vs West Ham: Falaqeyn, Saadaalin iyo Shaxda Kulanka.

Next Post

Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

Wararkii Ugu danbeyay

Liam Delap oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea

Liam Delap oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea

1 week ago

Liam Delap oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea

Chelsea oo ka horeysa Arsenal saxiixa weeraryahanka Borussia.

Chelsea oo ka horeysa Arsenal saxiixa weeraryahanka Borussia.

3 months ago

Chelsea oo kaga horeyso Arsenal weeraryahanka Borussia Dortmund kasoo qorshihiisa yahay inuu baxo xilli ciyaareedka so socda. Labada kooxood ee...

Barcelona oo Go'aan Ka Gaartay Da’yarka Lagu Qiimeeyay €30m.

Barcelona oo Go’aan Ka Gaartay Da’yarka Lagu Qiimeeyay €30m

4 months ago

Waqtiga Vitor Roque ee La Liga ayaa dhammaanaya, maadaama Barcelona ay ogolaatay inay iibiso. Vitor Roque waqtigiisa La Liga ayaa...

Barcelona Oo Go'aan Ka Gaartay Saxiixa Nico Williams

Barcelona Oo Go’aan Ka Gaartay Saxiixa Nico Williams

4 months ago

Barcelona Oo Go'aan Ka Gaartay Saxiixa Nico Williams

Saddex Kooxod Oo Raadinaya Saxiixa Victor Osimhen

Saddex Kooxod Oo Raadinaya Saxiixa Victor Osimhen

4 months ago

Victor Osimhen Wuxuu Heli Karaa Heshiis €30M Ah Iyadoo Saddex Koox Ay Diyaar U Yihiin Suuqa Kala Iibsiga Ee Xagaaga....

Next Post
Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

Leicester City vs Arsenal: Horudhac Kulanka Premier League

Leicester City vs Arsenal: Horudhac Kulanka Premier League

Man City vs Newcastle United: Kulan U Muhiim Ah Labada Koxood

Osasuna vs Real Madrid

Osasuna vs Real Madrid: Horudhac Kulanka Cawa Ee La Liga

Banoonisports - waa shabakada daabacda wararka ciyaaraha dalka iyo dibadda, hadafkeenu waa aan u noqono isha #1 ee wararka kubbadda cagta ee somalia.

Follow Us

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy Policy

© 2024 Banooni Sports - All rights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Kooxaha
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Horyaalada
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Kobabka
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2024 Banooni Sports - All rights reserved.