Man United oo Ka Fiirsanaysa Saxiixa Ryerson si ay ugu badasho daafaca daalan ee Diogo Dalot
Manchester United ayaa qorsheyneysa inay xoojiso difaacyada xagaagan. Kooxdu waxay eegaysaa Julian Ryerson oo ka tirsan Borussia Dortmund. Waxaa la sheegay in heshiis €20 milyan ah la dhisi karo.
Ryerson waa 28 jir Norwegian ah oo caan ku ah weerarka iyo caawinta goolasha. United waxay raadinaysaa bedel muddo-dheer ah oo u noqon doona Diogo Dalot.
Ryerson xilli ciyaareedkan wuxuu sameeyay caawimooyin badan oo goolal ah, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah daafacyada ugu wax-soo-saarka badan Bundesliga. Isagoo sameeyay kubbado sax ah, fursado goolal isku badalay, iyo xoojinta weerarka degdeg ah.
Diogo Dalot inkastoo ay kalsooni ugu jirin gagada Man United, Laakin ma gaadhin heerka waxqabadka Ryerson. Arrintani waxay keentay su’aalo ku saabsan mustaqbalka kooxdiisa, gaar ahaan iyadoo Man United ay rabto inay dib ugu soo laabato Champions League.
Istiraatiijiyadda Xagaagan ee Man United
Indhaha Ryerson ayaa qayb ka ah dib-u-habeynta ka socota Old Trafford. Mustaqbalka Dalot ma cadda maadaama tartanka boosaska uu kordhayo.
Waxaa sidoo kale la sheegay Tino Livramento (Newcastle) inuu yahay badelo kale, laakiin qaab ciyaareedka Ryerson iyo khibraddiisa Bundesliga ayaa ka dhigay midka ugu sareeya liiska United.
Tartanka iyo Qiimaha
Man United ayaa wajahaysa tartan xooggan oo ka imanaya kooxaha kale ee Premier League si ay u hesho daafaca Ryerson. €20 milyan oo lagu iibsado Ryerson ayaa loo arki karaa heshiis wanaagsan.
Ciyaaryahanku wuxuu leeyahay xirfad heer caalami ah oo saameyn weyn ku yeelan karta kooxda haddii uu xagaagan so caga dhigto
Haddii Man United ay ku guuleysato saxiixa Ryerson, tani waxay muujin doontaa isbeddel weyn oo muhiim ah oo ay ka sameyn doonto suuqa xagaagan. Sababtoo ah Daafacu waxaa uu awoodaa in uu si toos ah uga qayb qaato goolasha.
Qaabkiisa cusub ee waa mid si dheer ah lo qiimeeyo. Waxaana laga filayaa inuu kooxda u horseedo guulo waaweyn.
Arsenal
Barcelona
Chelsea
Liverpool
Man City
Man United
Real Madrid





