Manchester City ayaa qaatay laba go’aan oo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah Bernardo Silva iyo Phil Foden.
Man city waxay isku diyaarinaysaa xagaagan inuu noqdo mid weyn. Mustaqbalka Pep Guardiola weli mugdi ayuu ku jiraa, taasoo keentay in ciyaartoy badan ay ka fikiraan beddelka kooxda. Ciyaartoyda sida Nathan Aké, John Stones, iyo Rodri ayaa laga yaabaa inay raadiyaan kooxo kale.
Kooxda ayaa tixgalinaysa mustaqbalka muddada-dheer ee xiddiga Phil Foden, oo qandaraas kula jira kooxda ilaa 2027, xilli ciyaareedkan ma uusan helin fursado joogto ah. Sida laga soo xigtay The Athletic, xaaladdiisa ayaa keentay inay noqoto mid dhibaato ku ah kooxda.
Si kastaba ha noqotee, Man City waxay qorsheyneysaa inay Foden iyo Erling Haaland qayb ka noqdaan wejiyada mashruucooda cusub. Waxay Foden siin doonaan fursado, inkastoo uu qaab ciyaareedkiisa liito sanadkan.
Man City ayaa ka gudbi doonta Silva
Bernardo Silva ayaa ku jira qorshe kale. In kasta oo uu weli muhiim u yahay kooxda, qandaraaskiisu wuu dhamaanayaa. Matteo Moretto ayaa sheegay inay kooxda wali ay bilaabin wada-hadallo qandaraas cusub oo la xiriira laacibka.
Garoonka Etihad waxaa ka socda qorsheynta isbeddel cusub. Horraantii toddobaadkan, ilo ka yimid Paraguay ayaa sheegay in khadka dhexe ee Brighton, Diego Gomez, loo aqoonsaday inuu noqon karo beddelka Bernando Silva. Waxaa la sheegay in wada-hadallo hordhac ah ay hore u bilaabmeen.
Ciyaaryahanka da’da yar ee u dhashay Paraguay, ayaa awood u leh inuu ka ciyaaro bartamaha iyo garabyada, sido kale ciyaaryahanka xilli-ciyaareedkan wuxuu dhaliyay 10 gool oo aad u cajaa’ib badanaa – in kastoo shant gool ka mid ah ay ka yimaadeen labo kulan oo Carabao Cup ciyaaray.
Arsenal
Barcelona
Chelsea
Liverpool
Man City
Man United
Real Madrid





