Chelsea oo la dhibaataysan khasaaro maaliyadeed taariikhi ah
Kooxda Chelsea ayaa wajahaysa caqabado dhaqaale oo aan horay loo arag, taasoo saameyn weyn ku yeelan doonta suuqa kala iibsiga iyo qorsheynta kooxda mustaqbalka xagaagaan. Kooxda ayaa wajahaysa caqabado dhaqaale oo taariikhi ah, iyadoo khasaaro culus ay ka soo gaartay sannadkii la soo dhaafay.
Sanadihii u dambeeyay, Chelsea waxay ku guuleysteen koobab muhiim ah, gaar ahaan Club World Cup. Guulahaas aya ka caawisay kooxda inay form-kooda dhaqaale ay si ilaaliyaan oo ayna jabin xeerarka kubada cagta.
Chelsea oo la kulantay sanad xun oo maaliyadeed, iyadoo khasaaraysatay £355 milyan xilli ciyaareedkii 2024-25, taasoo noqotay khasaarihii ugu weyn ee koox Ingiriis ah abid. Khasaaraha ayaa ka badan labo jibaar kooxaha kale ee Yurub, sida Lyon oo khasaarteedu ahayd £171 milyan.
Mushaharka ciyaartoyda ayaa gaadhay £390 milyan sanadkii, halka kharashaadka maalinlaha ah ay yihiin £241 milyan. Qiimaha guud ee ciyaartoyda kooxda ayaa ka badan £1.5 bilyan, taasoo ka dhigaysa Chelsea mid ka mid ah kooxaha ugu qaaliisan taariikhda kubadda cagta.
Maxa Sababay Khasaaraha Kooxda
Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah maal-gelinta lacagaha faraha badan iyo heshiisyada muddo dheer, sida heshiiska 8 sano ee Mykhailo Mudryk oo £100,000 todobaadkii ku qaadanayo.
Kooxdu muddo dheer wax lacag ah kama helin xayaysiiska maqaarka hore ee funaanadda, halka Shirkada Blueco oo leh kooxda ay 2021 iibisay hoteello garoonka ku yaalla si loo waafajiyo shuruudaha Premier League.
Chelsea waxay hadda wajahaysaa xaalad adag oo maaliyadeed, iyadoo kharashaadka culus iyo heshiisyada ciyaartoyda qaali ah ay qeyb weyn ka yihiin. Khasaaradan ayaa saameyn weyn ku yeelatay suuqa kala iibsiga Chelsea xagaagan.
Taageerayaasha Chelsea weli waxay leeyihiin rajo. Waxay rajeynayaan in kooxda ay ka soo kaban doonto xaaladdan xun. Qorshayaasha maaliyadeed cusub iyo istaraatiijiga maamulka ah ayaa la filayaa inay keenaan xasillooni dhaqaale.
Arsenal
Barcelona
Chelsea
Liverpool
Man City
Man United
Real Madrid





