Banoonisports
Monday, March 2, 2026
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
Banoonisports
No Result
View All Result

City vs Chelsea: Falaqeynta, Saadaalinta iyo Shaxda La Filaayo

by mohamedbaalos
January 25, 2025
0

Manchester City vs Chelsea oo ku dagaalamaya booska champion league cawa

Kooxda Manchester City, oo qaab ciyaareedkoodu soo hagaagay sanadkan cusub, ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League, iyadoo labo dhibcood u jirta Chelsea oo ku jirta kaalinta afraad. Pep Guardiola iyo kooxdiisa ayaa Sabtidan wajaheysa kulan muhiim ah ka dib markii ay Arbacadii ku fashilmeen Paris, taas oo shaki galisay rajadooda Champions League.

Dhanka kale, Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay Wolves 3-1 Isniintii, taas oo ahayd guushoodii ugu horreysay ee horyaalka tan iyo Kirismaska. Blues oo bilowgii xilli ciyaareedka loo arkayay koox horyaalka ku dagaallami karta, ayaa hadda ku jirta dagaal adag si ay u xaqiijiso booska afarta sare. Tababaraha cusub, Enzo Maresca, ayaa ku rajo weyn inuu horumar ka sameeyo wixii Mauricio Pochettino ka tagay xilli ciyaareedkiisii kaliya ee Stamford Bridge.

Kulankii ugu dambeeyay ee labada kooxood, oo dhacay bilowgii xilli ciyaareedka, Manchester City ayaa 2-0 kaga adkaatay Chelsea. Kulankan Sabtida ayaa ah mid muhiim ah oo saameyn ku leh loolanka booska Champions League.

Waqtiga Ciyaarta Manchester City vs Chelsea

  • Goobta: Manchester, England.
  • Garoonka: Etihad Stadium
  • Taariikhda: Sabti, 25ka Janaayo
  • Waqtiga Ciyaarta: 08:30 PM
  • Garsooraha Dhexdhexaadinaya: John Brooks
  • VAR: Stuart Attwell
Wararka Kooxda Manchester City

Mustaqbalka Manchester City waxa gacanta ku haya ciyaartoyda dhalinyarada ah ee Omar Marmoush, Abdukodir Khusanov, iyo Vitor Reis. Si kastaba ha ahaatee, Pep Guardiola waxa uu u baahan yahay inay hadda soo muuqdaan.

Difaaca, Ruben Dias iyo Nathan Ake ayaa la kulmay dhaawacyo xilli ciyaareedkan. Dias waxaa laga bedelay ciyaartii PSG, Ake-na wuu maqnaa. Labaduba waxay noqon karaan kuwo su’aal ah ciyaarta Sabtida, balse John Stones ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto lineup-ka.

Safka Manchester City ee La Filayo.

Manchester City Lineup-keeda (4-2-3-1): Ortega; Lewis, Akanji, Stones, Gvardiol; Gundogan, Bernardo; Foden, De Bruyne, Savinho; Haaland.

Wararka kooxda Chelsea

Romeo Lavia, Wesley Fofana, iyo Benoit Badiashile ayaa dhaawac ku maqan, halka Mykhailo Mudryk uu ganaaxan yahay.Si kastaba, Levi Colwill iyo Enzo Fernandez waa la qiimeyn doonaa, halka Reece James uu diyaar u yahay kadib soo kabashada dhaawac.

Safka Manchester City ee La Filayo.

Chelsea lineup-Keeda (4-3-3): Sanchez; James, Tosin, Colwill, Cucurella; Caicedo, Fernandez; Madueke, Palmer, Sancho; Jackson.

Saadaasha Natiijada Kulanka Manchester City vs Chelsea

Man City ayaa muujisay daciifnimo markii ay ku ciyaareen Paris iyadoo ay ka maqnaayeen xiddiggooda khadka dhexe. Guardiola ayaa laga yaabaa inuu ka walwalo hoos u dhacaas, laakiin tani ma ahan markii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, Maresca ayaa rajeynaya inuu ka adkaado tababarihiisii hore, inkastoo Chelsea aysan ku jirin qaab fiican ay ku guuleysan karto.

Saadaalinta Ciyaarta: Man City 2-1 Chelsea

Previous Post

Wolves vs Arsenal: Falaqeynta, Saadaalinta iyo Shaxda La Filaayo

Next Post

Liverpool vs Ipswich Town: Reds oo si xoojisanayso hoggaankeeda

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

3 days ago

Ronaldo Oo Saami Ku Yeeshay Koox ka dhisay heerka labaad ee horyaalka Spain. Xiddiga caanka ah ee kubadda cagta, Cristiano...

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London Sido Kalena Sare U Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League

Arsenal Oo Diray Fariin Cad Tartamayaasha Kale Ee Horyaalka

1 week ago

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London, Korna Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League Arsenal ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar awood leh...

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

1 week ago

Manchester United ayaa hore safka hore ugu jirto xiddiga da'da yar Gabriel Veneno Manchester United aya si weyn ugu dadaalaysa...

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

1 week ago

Vinicius Junior oo Ku Eedeeyay Benfica Ciyaaryahankeeda Cunsuriyad, UEFA Oo Baaritaan U Furaysa Kiiskaan Kiiska cunsuriyadeed ee la xiriira Vinicius Junior ayaa weli...

Man Utd Oo Diyaarinaya 20M Si Ay U Hesho Beddelka Diogo Dalot

1 week ago

Man United oo Ka Fiirsanaysa Saxiixa Ryerson si ay ugu badasho daafaca daalan ee Diogo Dalot Manchester United ayaa qorsheyneysa...

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay.

5 months ago

Falanqayn dhammaystiran oo ku saabsan liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya Ballon d’Or 2025. Ballon d’Or waa abaalmarin kubadda cagta...

Next Post

Liverpool vs Ipswich Town: Reds oo si xoojisanayso hoggaankeeda

Wolves 0 - 1 Arsenal

Arsenal iyo Calafiori oo guul muhiim ah ka gaaray kooxda wolves

Liverpool oo ka awood sheegatay Ipswich iyagoo ku garaacay 4-1

Ciyaar Adag: City oo guul muhiim ka gaartay dhigeeda Chelsea

Arsenal iyo Real Madrid oo ku dagaalamaya Yarek Gasiorowski

Banooni Sports - waa shabakad daabacda wararka ciyaaraha dalka iyo dibadda, hadafkeenu waa inaan noqono isha #1aad ee wararka kubbadda cagta ee Somalia.

Follow Us

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy Policy

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2024 Banooni Sports - All rights reserved.