Murashaxiinta ugu cadcad jaa’izada Ballon d’Or 2025 iyo Saameynta ay ku yeesheen kooxahooda xilli-ciyaareedkan 2025.
Ballon d’Or waa abaalmarinta ugu sharafta badan kubadda cagta ee la siiyo ciyaaryahanka ugu wanagsan adduunka xilli ciyaareedkii dhammaaday. Sanadkan 2025, tartanka ayaa aad u culus, waxaana jira dhowr ciyaartoy oo leh sababaha ay u noqon karaan guuleystayaasha. Halkan waxaan ku eegi doonaa kuwa ugu cadcad iyo waxa ka dhigi doona midkooda inuu guuleysto.
Ousmane Dembélé: Murashaxa Ugu Cadcad
Ousmane Dembélé oo ka tirsan PSG ayaa ah kan ugu cadcad tartanka sanadkan, isagoo si weyn uga taagan murashaxiinta Ballon d’Or. Sababaha ugu waaweyn ayaa ah in PSG ay markii ugu horeysay ku guuleysatay Champions League, taas oo Dembélé kaalin muuqata ku lahaa. Intii lagu jiray xilli ciyaareedkan, tirada goolasha iyo caawimada uu sameeyay waxay gaareen heer sare, taas oo ka dhigaysa mid muuqaal iyo saameyn leh marka la barbardhigo ciyaartoyda kale.
Lamine Yamal: Da’yarka Soo Baxay
Lamine Yamal oo ka tirsan Barcelona ayaa isna soo baxay sanadkan isagoo ah da’yarka ugu saameynta badan kubadda cagta Yurub. Yamal waxa uu kooxdiisa ka caawiyay guulo muhiim ah, wuxuuna ahaa ciyaaryahan lagu xasuusto goolal muhiim ah iyo caawimooyin badan. Inkasta oo uu weli da’ yar yahay, haddana murashaxnimadiisu waxay muujinaysaa mustaqbal ifaya iyo fursad uu ku guuleysto Ballona D’or.
Mohamed Salah: Khabiirka Reds
Mohamed Salah oo Liverpool ka tirsan ayaa sidoo kale liiska murashaxiinta ku jira. Salah waxa uu leeyahay xilli ciyaareed cajiib ah, isagoo mar kale muujiyay inuu yahay halyeeyga ugu muhiimsan ee Reds. Saameyntiisa hanashada Premier League iyo ka qeyb galka isreeb-reebka Champions League ayaa sii xoojisay fursaddiisa, taasoo ka dhigaysa mid si weyn loo tixgeliyo.
Raphinha: Laacibka Blaugrana
Raphinha oo Barcelona ah ayaa xilli ciyaareed la yaab leh soo bandhigay, isagoo ku lug lahaa goolal iyo caawimooyin badan. Kaalinta uu ka qaatay guulaha Barcelona ayaa ka dhigtay murashax kale oo la tixgeliyo. Inkasta oo aan la hubin inuu ka sarreyn karo Dembélé ama Yamal, haddana waxqabadkiisu waa mid aan la iska indho tiri karin.
Qiimeynta iyo Aragtiyada
Ousmane Dembélé ayaa u muuqda hogaamiyaha tartanka Ballon d’Or 2025. Guulihiisa kooxeed iyo saameyntiisa shaqsiyeed ayaa si gaar ah loo tixgeliyey. Lamine Yamal waa ciyaaryahan dhalinyaro ah oo soo jiitay taageerayaasha iyo khubarada, wuxuuna u muuqdaa musharax weyn sanadaha soo socda.
➤ Guji halkan si aad u akhriso wararkii ugu danbeeyay ee ciyaaraha
Mohamed Salah weli waa mid khibrad leh inuu ku guuleysto abaalmarintaan, halka Raphinha uu muujiyey inuu yahay ciyaaryahan muhiim u ah Barcelona. Tartanka sanadkan waa mid adag, balse Dembélé ayaa ah magaca ugu xooggan ee hoggaaminaya liiska.
Inkastoo tartanka Ballon d’Or 2025 uu yahay mid xiiso badan oo ciyaaryahanno badan ay u qalmaan, haddana Ousmane Dembélé ayaa loo arkaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu cadcad ee ku guuleysan kara. Tartanka ayaa noqon doona mid lagu xusuusto, waxaana taageerayaashu sugayaan sidii ay wax u dhammaan doonaan.
Arsenal
Barcelona
Chelsea
Liverpool
Man City
Man United
Real Madrid





