Saturday, March 21, 2026
Banoonisports
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
Banoonisports
No Result
View All Result

Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

by mohamedbaalos
February 14, 2025
0
Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

Chelsea oo booqanaysa Brighton kulan ka tirsan Premier League

Brighton & Hove Albion iyo Chelsea ayaa markale is wajahaya Jimcaha, 14-ka Febraayo 2025, garoonka Amex, kaddib markii Brighton ay 2-1 kaga adkaatay Chelsea kulan ka tirsanaa FA Cup.

Kulankan Premier League wuxuu fursad u siinayaa Chelsea inay aargudato guuldarradii koobka FA Cup isla markaana ay xoojiso booskeeda afarta sare ee horyaalka.

Horudhac Kulanka

Chelsea waxay haatan ku jirtaa kaalinta afaraad ee Premier League. Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedkooda ma ahayn mid deggen. Waxay guul ka heleen kaliya saddex ka mid ah tobankii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan. Intaa waxaa dheer, waxqabadkooda garoomada banaanka ayaa ah mid walaac leh.

Ma jirto wax guul ah oo ay ka heleen afartii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ay marti ahaayeen. Tababare Enzo Maresca wuxuu doonayaa inuu xalliyo dhibaatooyinkan si uu u ilaaliyo rajada kooxdiisa ee boos u helista Champions League.

Dhinaca kale, Brighton waxay haatan ku jirtaa kaalinta tobnaad ee horyaalka. Waxay doonaysaa inay sii wadato guusheedii FA Cup ee ay ka gaartay Chelsea. Si kastaba ha ahaatee, Premier League dhexdiisa, ma jiraan wax natiijooyin fiican ah oo ay malmihii ugu dambeeyay ay ka gaartay.

Kooxda ayaa la kulantay guuldarrooyin xidhiidh ah, oo ay ku jirto 7-0 oo ay Nottingham Forest kaga badiyeen. Si ay natiijo wanaagsan u helaan, waxay si buuxda u adeegsan doonaan faa’iidada garoonkooda.

Wararka kooxda Brighton

Brighton waxa ay la tacaalaysaa dhaawacyo badan oo saameyn ku leh safkooda. Kabtankooda Lewis Dunk waxa laga yaabaa inuu seego kulankan dhaawac uu ka qaaday lugtii FA Cup ee Chelsea.

Sidoo kale, Jason Steele, Pervis Estupiñá, Ferdi Kadıoğlu, Igor Júlio, iyo James Milner ayaa la filayaa inay maqnaadaan. Laacibka khadka dhexe Mats Wieffer ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto kaddib dhaawac jilibka ah uu kaso kabsaday.

Wararka kooxda Chelsea

Chelsea waxa ay la kulmaysaa dhibaatooyin dhaawacyo ah, gaar ahaan weerarka. Nicolas Jackson iyo Marc Guiu ayaa dhaawac muruqa ah qaba, waxaana la filayaa inaysan soo laabanin ilaa bisha Maarso.

Difaacyada Wesley Fofana iyo Benoît Badiashile ayaa iyaguna maqnaan doona. Goolhayaha Filip Jørgensen ayaa la filayaa inuu safka hore ka galo, halka kabtanka Reece James uu dib ugu soo laaban doono kaddib nasasho uu ka helay kulankii FA Cup.

Shaxda La Filayo

Brighton & Hove Albion (4-2-3-1):
  • Goolhaye: Bart Verbruggen
  • Difaacyada: Joël Veltman, Jan Paul van Hecke, Adam Webster, Tariq Lamptey
  • Khadka Dhexe: Carlos Baleba, Yasin Ayari
  • Weerarka Dhexda: Abdallah Sima, Georginio Rutter, Kaoru Mitoma
  • Weerar: João Pedro
Chelsea (4-2-3-1):
  • Goolhaye: Filip Jørgensen
  • Difaacyada: Reece James, Tosin Adarabioyo, Levi Colwill, Marc Cucurella
  • Khadka Dhexe: Moises Caicedo, Enzo Fernández
  • Weerarka Dhexda: Noni Madueke, Cole Palmer, Jadon Sancho
  • Weerar: Christopher Nkunku

Saadaasha Kulanka

Iyadoo Chelsea ay dhibaato ku qabto guul-darrooyin garoomada away-ga ah iyo Brighton oo la daalaa dhaceyso dhaawacyo, kulankan wuxuu noqon karaa mid si aad ah loo tartamo.

Labada kooxba waxay muujiyeen daciifnimo dhanka difaaca, taasoo ka dhigi karta kulan in ay goolal badan ka dhalan karaan. Sidaas darteed, barbardhac ayey u muuqata natiijada kulanka

Brighton 2 – 2 Chelsea

Xidigaha Kulanka La Iska Fiirinayo

  • Kaoru Mitoma (Brighton): Xiddiga reer Japan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Brighton, wuxuuna dhaliyay goolkii guusha ee kulankii FA Cup ee Chelsea. Xawaaraha iyo xirfaddiisa kubbad-qaadista ayaa muhiim u noqon doona weerarka Brighton.
  • Cole Palmer (Chelsea): Palmer wuxuu noqday xiddig muhiim u ah Chelsea, isagoo afar gool ka dhaliyay kulankii hore ee Premier League ee Brighton. Maadaama ay chelsea haysato weeraryahanadeeda, Palmer wuxuu noqon karaa xiddiga lagu tiirsan yahay dhanka weerarka.

Kulankan wuxuu noqon doonaa mid xiiso badan maadaama labada kooxood ay doonayaan inay helaan saddexda dhibcood ee muhiimka ah. Taageerayaashu waxay filan karaan kulan xamaasad leh oo ka dhacaya garoonka Amex Stadium.

Previous Post

Wararka Maalinta Ee Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Arsenal

Next Post

6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

Real Madrid aya qorsheynaysa Saxiixa Khadka Dhexe Ee Rodri

Real Madrid aya qorsheynaysa Saxiixa Khadka Dhexe Ee Rodri

1 week ago

Real Madrid Oo Indho-indheenaysaa Ciyaayahanka Khadka Dhexe ee Kooxda Man City Ee Rodri Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inay...

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

2 weeks ago

Manchester City ayaa qaatay laba go’aan oo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah Bernardo Silva iyo Phil...

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

3 weeks ago

Ronaldo Oo Saami Ku Yeeshay Koox ka dhisay heerka labaad ee horyaalka Spain. Xiddiga caanka ah ee kubadda cagta, Cristiano...

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London Sido Kalena Sare U Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League

Arsenal oo diray fariin cad tartamayaasha kale ee horyaalka

4 weeks ago

Arsenal Gacanta Ku Dhigay Derby-ga London, Korna Qaadday Cadaadiska Horyaalka Premier League Arsenal ayaa caawa soo bandhigtay ciyaar awood leh...

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

4 weeks ago

Manchester United ayaa hore safka hore ugu jirto xiddiga da'da yar Gabriel Veneno Manchester United aya si weyn ugu dadaalaysa...

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

4 weeks ago

Vinicius Junior oo Ku Eedeeyay Benfica Ciyaaryahankeeda Cunsuriyad, UEFA Oo Baaritaan U Furaysa Kiiskaan Kiiska cunsuriyadeed ee la xiriira Vinicius Junior ayaa weli...

Next Post
6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

Leicester City vs Arsenal: Horudhac Kulanka Premier League

Leicester City vs Arsenal: Horudhac Kulanka Premier League

Man City vs Newcastle United: Kulan U Muhiim Ah Labada Koxood

Osasuna vs Real Madrid

Osasuna vs Real Madrid: Horudhac Kulanka Cawa Ee La Liga

Brighton oo Cashar u Dhigtay Chelsea kuna Dubatay 3-0

Chelsea Oo Cashar Loo Dhigay Iyo Brighton Oo Ku Dubatay 3-0

Banooni Sports waa shabakad ciyaareed oo kuu soo gudbiysa wararkii ugu dambeeyay ee kubadda cagta iyo suuqa kala iibsiga. La soco wararka ciyaaraha cusub maalin kasta.

Follow us

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy Policy

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Teams
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Leagues
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Cups
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2026 Banooni Sports - All rights reserved.