BanooniSports
Wednesday, February 4, 2026
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Kooxaha
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Horyaalada
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Kobabka
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya
No Result
View All Result
BanooniSports
No Result
View All Result

Manchester United iyo Crystal Palace Falaqeynta Kulanka

by mohamedbaalos
February 2, 2025
0

Manchester United vs Crystal Palace: Ciyaar Xamaasad Leh Oo Ka Dhacaysa Old Trafford.

Guushii Manchester United ee habeenkii Khamiista ay ka gaareen FCSB waxay la micno tahay inay badiyeen shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay. Ruben Amorim ayaa xasillooni keenay, wuxuuna doonayaa in suuqa Janaayo dhamaado.

United waxay ka baxday halista hoos u dhaca oo hadda waxay u jeedaan inay sare u kacaan. Guushii 1-0 ee ay Fulham ka gaareen Axaddii ayaa ka sare mariyay Palace, oo guuldarro kala kulantay Brentford.

Crystal Palace ayaa kasoo kabatay bilow xun, waxayna raadinayaan guul kale Old Trafford, kadib markii ay halkaas kaga badiyeen 1-0 xilli-ciyaareedkii hore.

Waqtiga Ciyaarta Manchester United iyo Crystal Palance.
  • Goobta: Manchester, England
  • Garoonka: Old Trafford.
  • Taariikhda: Axada, 02da Febraayo.
  • Waqtiga Ciyaarta: 05:00 PM.
  • Garsooraha Dhexdhexaadinaya: John Brooks.
  • VAR: Craig Pawson.
Wararka kooxda ee Manchester United
  • Isbeddel ayaa laga filayaa shaxda, iyadoo Ugarte, Maguire, iyo Onana la filayo inay kusoo laabtaan.
  • Amad Diallo oo kaydka ka soo galay Bucharest ayaa laga yaabaa inuu weerarka ka mid noqdo Axadda.
  • Dhaawacyada waa yar yihiin; Lindelof wuu soo laabtay, Shaw wuu soo kabtay laakiin Mount iyo Evans weli waa maqanyihiin.

Ka Akriso : Martín Zubimendi: Bartilmaameedka Cusub ee Real Madrid

Wararka Kooxda Crystal Palace
  • Chris Richards ayaa dib ugu soo laabtay kooxda todobaadkii hore, wuxuuna u badan yahay inuu ka ciyaaro Axadda.
  • Glasner wuxuu weli la’yahay Adam Wharton (qoobka) iyo Joel Ward (muruqa), Matheus Franca weli kama muuqanin xilli ciyaareedkan.
  • Cheick Doucoure iyo Chadi Riad ayaa maqnaan doona inta kale ee xilli ciyaareedka dhaawacyo jilibka ah awgood.
  • Romain Esse ayaa doonaya inuu bilowga ka noqdo kadib goolkii uu ka dhaliyay kulankii hore.
Shaxaha Kooxaha

Man Utd Safkeeda (3-4-2-1): Onana; De Ligt, Maguire, Martinez; Mazraoui, Ugarte, Fernandes, Dalot; Amad, Mainoo; Zirkzee.

Crystal Palace Safkeeda (3-4-2-1): Henderson; Richards, Lacroix, Guehi; Munoz, Hughes, Lerma, Mitchell; Sarr, Eze; Mateta.

Saadalinta Kulanka

United waxay ku guuleysatay Craven Cottage Isniintii, inkasta oo ay nasiib u lahaayeen. Waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed wanaagsan todobaadkan, waxaana ay u muuqdaan kuwo ku riyoonaya natiijooyin wanaagsan.

Kooxda Palace waxay noqon doontaa mid adag oo halis ku ah weerarka, laakiin United waxay awoodi doonaan inay helaan saddexda dhibcood.

Saadaasha: Man Utd 2-1 Crystal Palace

Previous Post

Martín Zubimendi: Bartilmaameedka Cusub ee Real Madrid.

Next Post

KULAN ADAG:- Falaqeynta Kulanka Arsenal iyo Man City

Wararkii Ugu danbeyay

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay.

4 months ago

Falanqayn dhammaystiran oo ku saabsan liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya Ballon d’Or 2025. Ballon d’Or waa abaalmarin kubadda cagta...

Yaa Ku Guuleysan Kara Ballon d’Or 2025? Falaqeyn iyo Aragtiyo

4 months ago

Murashaxiinta ugu cadcad jaa'izada Ballon d’Or 2025 iyo Saameynta ay ku yeesheen kooxahooda xilli-ciyaareedkan 2025. Ballon d’Or waa abaalmarinta ugu...

Arsenal vs Manchester City: Horudhaca Iyo Saadaasha Kulanka

5 months ago

Arsenal iyo Manchester City ayaa maanta galabta ku wada ciyaaraya kulan weyn oo Premier League ah oo ka dhacaya waqooyiga...

Kulan Xiiso Leh oo dhexmaraya Manchester United iyo Chelsea

5 months ago

Manchester United vs Chelsea: Hordhac, Xaaladda Kooxaha, Dhaawacyada, Ciyaartoyda La Filayo, Qiimeyn Guud ee Kulanka. Kulanka Premier League ee Old...

Hordhac kulanka Liverpool iyo Everton ee Meryside Derby

5 months ago

Merseyside Derby: Safafka La Filayo iyo Falanqaynta Kulanka u dhaxeeyo kooxaha kaso jeeda gobalka Liverpool. Hordhac Kulanka Liverpool iyo Everton...

Next Post

KULAN ADAG:- Falaqeynta Kulanka Arsenal iyo Man City

Art & Illustration

Chelsea vs West Ham: Falaqeyn, Saadaalin iyo Shaxda Kulanka.

Wararka Maalinta Dambaysa Suuqa Kala Iibsiga Ee Arsenal

Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

Brighton vs Chelsea: Horudhac, Saadaasha & Shaxda

6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

6 Weeraryahan Oo Xor Ah Oo Arsenal Laso Saxiixan Karto

Banoonisportslogo

Banooni Sports - waa shabakad Ciyaareed oo daabacda wararka ciyaaraha dalka iyo dibadda, hadafkeenu waa inaan noqono isha #1aad ee wararka kubbadda cagta ee Somalia.

Follow Us

  • About Us
  • Contact Us
  • Advertise
  • Privacy Policy

© 2024 Banooni Sports - All rights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
  • Home
  • Wararka
  • Suuqa
  • Kooxaha
    • Arsenal
    • Barcelona
    • Chelsea
    • Liverpool
    • Man City
    • Man United
    • Real Madrid
  • Horyaalada
    • Premier League
    • Laliga
    • Serie A
    • Bundesliga
    • Ligue 1
  • Kobabka
    • Champion League
    • Europa League
    • Conference League
  • Qaramada
  • Soomaaliya

© 2024 Banooni Sports - All rights reserved.