Manchester City vs Chelsea oo ku dagaalamaya booska champion league cawa
Kooxda Manchester City, oo qaab ciyaareedkoodu soo hagaagay sanadkan cusub, ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League, iyadoo labo dhibcood u jirta Chelsea oo ku jirta kaalinta afraad. Pep Guardiola iyo kooxdiisa ayaa Sabtidan wajaheysa kulan muhiim ah ka dib markii ay Arbacadii ku fashilmeen Paris, taas oo shaki galisay rajadooda Champions League.
Dhanka kale, Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay Wolves 3-1 Isniintii, taas oo ahayd guushoodii ugu horreysay ee horyaalka tan iyo Kirismaska. Blues oo bilowgii xilli ciyaareedka loo arkayay koox horyaalka ku dagaallami karta, ayaa hadda ku jirta dagaal adag si ay u xaqiijiso booska afarta sare. Tababaraha cusub, Enzo Maresca, ayaa ku rajo weyn inuu horumar ka sameeyo wixii Mauricio Pochettino ka tagay xilli ciyaareedkiisii kaliya ee Stamford Bridge.
Kulankii ugu dambeeyay ee labada kooxood, oo dhacay bilowgii xilli ciyaareedka, Manchester City ayaa 2-0 kaga adkaatay Chelsea. Kulankan Sabtida ayaa ah mid muhiim ah oo saameyn ku leh loolanka booska Champions League.
Waqtiga Ciyaarta Manchester City vs Chelsea
- Goobta: Manchester, England.
- Garoonka: Etihad Stadium
- Taariikhda: Sabti, 25ka Janaayo
- Waqtiga Ciyaarta: 08:30 PM
- Garsooraha Dhexdhexaadinaya: John Brooks
- VAR: Stuart Attwell
Wararka Kooxda Manchester City
Mustaqbalka Manchester City waxa gacanta ku haya ciyaartoyda dhalinyarada ah ee Omar Marmoush, Abdukodir Khusanov, iyo Vitor Reis. Si kastaba ha ahaatee, Pep Guardiola waxa uu u baahan yahay inay hadda soo muuqdaan.
Difaaca, Ruben Dias iyo Nathan Ake ayaa la kulmay dhaawacyo xilli ciyaareedkan. Dias waxaa laga bedelay ciyaartii PSG, Ake-na wuu maqnaa. Labaduba waxay noqon karaan kuwo su’aal ah ciyaarta Sabtida, balse John Stones ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto lineup-ka.
Safka Manchester City ee La Filayo.
Manchester City Lineup-keeda (4-2-3-1): Ortega; Lewis, Akanji, Stones, Gvardiol; Gundogan, Bernardo; Foden, De Bruyne, Savinho; Haaland.
Wararka kooxda Chelsea
Romeo Lavia, Wesley Fofana, iyo Benoit Badiashile ayaa dhaawac ku maqan, halka Mykhailo Mudryk uu ganaaxan yahay.Si kastaba, Levi Colwill iyo Enzo Fernandez waa la qiimeyn doonaa, halka Reece James uu diyaar u yahay kadib soo kabashada dhaawac.
Safka Manchester City ee La Filayo.
Chelsea lineup-Keeda (4-3-3): Sanchez; James, Tosin, Colwill, Cucurella; Caicedo, Fernandez; Madueke, Palmer, Sancho; Jackson.
Saadaasha Natiijada Kulanka Manchester City vs Chelsea
Man City ayaa muujisay daciifnimo markii ay ku ciyaareen Paris iyadoo ay ka maqnaayeen xiddiggooda khadka dhexe. Guardiola ayaa laga yaabaa inuu ka walwalo hoos u dhacaas, laakiin tani ma ahan markii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale, Maresca ayaa rajeynaya inuu ka adkaado tababarihiisii hore, inkastoo Chelsea aysan ku jirin qaab fiican ay ku guuleysan karto.
Saadaalinta Ciyaarta: Man City 2-1 Chelsea